37 sano ka dib Zimbabwe oo madaxwayne cusub yeelatay

1094

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa maanta oo Jimco ah loo dhaariyay xilka madaxwaynanimo ee dalkaasi ka dib muddo ku dhow afartan sano oo dalka uu soo maamulayay Madaxwaynihii is casilay ee Robert Mugabe.

Dhaarinta waxaa ay dhacday garoonka kubadda cagta National stadium ee magaalada Harare ee caasimadda dalkaasi Zimbabwe.

Kumanaan dad Wayne oo taageerayaal u ah madaxwaynaha cusub Emmerson Mnangagwa ayaa soo buux dhaafiyay garoonka dhaarintu ay ka dhacday.

Dhaarinta ka dib hadal uu jeediyay ayaa madaxwaynaha cusub waxaa uu balan qaaday in dalkaasi ay ka dhacayso doorasho xilligii loogu talagalay.

Waxaa uu ku baaqay in la joojiyo ficillada la xiriira musuq-maasuqa dulaystay dalka dhanka Koonfureed ee qaaradda Afrika ku yaala ee Zimbabwe.

Emmerson Mnangagwa,  ayaa sidoo Kale sheegay in dadaal wayn uu u galayo sidii uu wax kaga qaban lahaa dhaqaalaha hooseeya ee dalkaasi.

Waxaa uu ka soo laabtay dalka koonfur Afrika halkaasi oo uu gaaraya ka dib markii bilowgii bishan Robert Mugabe, Madaxwaynihii hore uu xilka ka qaaday.

Waxaa uu yimid xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay soo fara galiyeen ciidamada qalabka sida taasi oo kama dambaystii keentay in Madaxwaynihii 93 ka ahaa uu iscasilo.

Xilli uu la hadlayay kumanaan dad ka dib soo laabashadiisa waxaa uu yiri  “Tani waa bilowga wajiga cusub ee dimuqraadiyadda dalka Zimbabwe”.

Dhibaatada ugu wayn ee uu wajihi doono madaxwaynaha cusub waxaa kow ka ah dhaqaalaha liita ee dalka iyo Shaqo la’aanta dadka reer Zimbabwe oo gaartay 80%, taasi oo micnaheedu uu yahay in Shacabka dalkaasi  20% oo kali ah ay Shaqo haystaan.