34 qof oo dhaawac ah oo loo qaaday dalka Turkiga

954

Diyaarad ay soo dirtay Dowlada Turkiga ayaa 34-ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho waxay ka qaatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb qaatay Daabulida dhaawacyada.

Ambulance-yo ayaa dadka dhaawacyada ah looga soo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana dadka la qaaday ay yihiin kuwo dhaawacyadooda ay daran yihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Facebookiisa ku soo qorey in dowladda Turkiga ay noqotay Dowladdii ugu horreysay ee daawo ugu deeqda Soomaaliya qaraxii Sabtida.

“Waxay keentay oo kale 27 ruux oo isugu jira Dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo shaqaale kale oo caafimaad. Dayaaradda intaa sidday waxay ahayd dayaarad militeri oo kuwa xamuulka ah. Isla dayaaraddaas ayaa hadda waxaa la saarayaa afartameeyo dhaawac ah oo mid kasta uu la socdo qof ehelkiisa ah,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu sidoo kale soo dirtay Wasiirka Caafimaadka oo isagu hadda indhihiisa ku soo arkaya dhaawaca yaalla Isbitaallada si uu warbixin ugu celiyo Dowladdiisa.