27 sanno kadib Mareykanka oo dib u furay safaaradiisa Soomaaliya

759
U.S. Ambassador to Somalia Donald Yamamoto met with President Mohamed Abdullahi Farmajo after receiving his credentials. Photo: via Twitter

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si rasmi ah dib u soo celisay “cilaaqaadkii diblomaasiyeed” ee Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 27 sano ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa Talaadadii tiri, “Dhacdadan taariikhiga ahi waxay ka tarjumaysaa horumarka Soomaaliya ee sanadihii la soo dhaafay, waana tallaabo kale oo horay loogu sii wadi karo in la qabto hawlaha diblomaasiyadeed ee Maraykanka ee Muqdisho.

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo furay Axaddii, sida ay sheegtay afhayeenka Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka Heather Nauert.

Mareykanku wuxuu xiray safaaradiisii Soomaaliya bishii Janaayo 1991-kii markaas oo dowladdii dhexe eeSoomaaliya ay burburtay,dalkuna dagaal sokeeye galay, iyada oo Mareykanku uu kala baxay safiirka iyo hawlawadeena safaarada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsaday xukuumadda cusub eeFederaalka Soomaaliya sanadkii 2013-kii laakiin wuxuu ku salaysnaa howlgalkeeda diblomaasiyadeed caasimadda Kenya ee deriska ah.

Xoghayihii hore ee Mareykanka John Kerry oo booqasho ku yimid Soomaaliyasanadkii 2015 ayaa sheegay in Mareykanku uu bilaabi doono geedi socodka dib-u-soo celinta joogitaanka diblumaasiyadeed.

‘’ Soo noqoshadeena waxa ay muujineysaa sida ay Mareykanka uga go’an tahay sidii loo sii horumarin lahaa xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha taasi oo ku jirto danaha labada dal ay wadagaan’’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Danjiraha cusub ee dalka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa Muqdisho yimid bishii hore si uu hoggaamiyo howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

https://www.facebook.com/15877306073/posts/10155891896761074/