25 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Afghanistan

939

Inta la xaqiijiyay  25 qof ayaa ku dhimatay bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen.

Weerarkaasi ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 40 oo kale.

Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro Ciidda hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada usiisey inay si nabad galyo ah u ciidaan, balse weerarkan ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.

Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa  sheegey in dadka waxyeellada weerarkaasi ka soo gaartay ay isugu jiraan ciidamada Afghanistaan, maleeshiyaadka Talibaan iyo dad rayid ah oo farxadda ciidda u dabaal degayay.

Afhayeen u hadlay dowladda, Attaullah Khogyani, ayaa  sheegey in weerarka uu ka dhacay duleedka Jalabalad, xarrunta gobolka Nangarhar.