215 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Suuriya

859

Warbaahinta dalka Suuriya ayaa xaqiijisay in Ugu yaraan 215 qof ay ku dhinteen weeraro ka dhacay koonfur galbeedka dalka Suuriya.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS oo bartilmaameedsaday goobaha ay dowlada haysato.

Dadka ugu badan ayaa ku dhintay Dhowr qarax oo ismiidaamin ah oo lala bartilmaameedsaday magaalada Suwaydah.

Maleeshiyaad maxali ah ayaa waxay gobolka ay qaraxyada ka dhaceen waxa ay kula dagaalamayeen muddooyiinkii ugu dambeeyay kooxda IS.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo muddo bilooyiin ah lala bartilmaameedsado goobaha ay dowladda gacanta ku hayso.

Kooxda la baxday dowladda islaamka ayaa iyagu gacanta ku haya dhul ku yaalla waqooyiga magaalada Sweida.