Labo ruux oo lagu tuhunsanaa inay ka dambeeyeen weerarkii Qaraxa ahaa ee lala beegsaday ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiiniinta ayaa lagu soo waramayaa in la dilay.
Dilka labadan ruux ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay ciidamada ammaanka Kooxda Xamaas ay weerareen goob la tuhunsanayaasha loo badinayay inay Ku sugnaayeen.
Dadkan ayaa lagu dilay howlgal maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Qaza ee Xamaas ay maamusho.
Waxaa saraakiisha ammaanka magaalada Qaza warbaahinta ay u sheegeen in labadan ruux markii hore dhaawacyo halis ah ay soo gaareen ka dib markii ciidamada ammaanka iyo ayaga Tacshiirad ay dhexmartay.
Waxaa ay cisbitaalka ugu dhinteen dhaawacyadii halista ahaa ee soo gaaray.
Magacyadooda ayaa lagu kala sheegay Anas Abu Khousa iyo Cabdul Xaadi al-Ashab.
Xamaas ayaa horay u beenisay inay haba yaraatee ay Ku lug leedahay qaraxa lala beegsaday kolayo uu la socday ra’iisul wasaaraha maamulka reer Falastiin Rami Xamdallah.
Inkastoo uu weerarka ka badbaaday ra’iisul wasaaraha ayaa haddana waxaa weerarka dhaawacyo fudfudad ay ka soo gaareen Shan qof oo ay ka mid ahaayee. Ilaalada ra’iisul wasaare Rami Xamdallah.
Madaxwaynaha maamulka Falastiiniinta Maxamuud Cabaas ayaa weerarka Ku tilmaamay mid la doonayay in lagu dilo ra’iisul wasaarihiisa.
Cabaas ayaa weerarka Ku eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxda Xamaas ee maamusha magaalada Qaza.
Mr. Rami Xamdallah, ayaa weerarka lala beegsaday xili uu booqanayay magaalada Qaza.
Arimahan ayaa loo arkaa inay dhibaato u keeni doonaan waan waanta nabadeed ee laga dhex waday Kooxaha Falastiiniinta gaar ahaan Xamaas iyo Fatax.