18 Sano ka dib Maraykanka iyo W/Kuuriya oo wada hadal dhexmaray

1425
Agaasimaha CIA-da Mike Pompeo (Bidix) Hogaamiyaha Waqooyiga dalka Kuuriya Kim Jong-un (Midig) oo kulmay (Xuquuqda Sawirka KCNA/REUTERS)

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Dibadda dalka Maraykanka ee CIA-da loo yaqaano Mike Pompeo, ayaa qaab sir ah waxaa la sheegay in uu Ku tagay dalka Waqooyiga Kuuriya, isagoo la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Kulanka sirta ah ee dhexmaray Agaasimaha CIA-da ahna Xoghayaha Soo socda ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka uu la yeeshay hogaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in uu dhacay bilowga bishan aynu Ku guda jirno ee April, sida ay Ku waramayso warbaahinta dalka Maraykanka.

Kulankan labada dhinac dhexmaray waa Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya-e ayaa waxaa uu yahay kii ugu horeeyay muddo sanado ah dhexmaray labadan dowladood ee Dab iyo Banziinka isku ah.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu Ku sheegay in kulanka dhexmaray Mike Pompeo iyo Kim Jong-un, uu ahaa Kulan si guul ah kusoo idlaaday.

Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa waxaa lagu soo aas-aasay xiriir wanaagsan oo dhexmara Maraykanka iyo Waqooyiga Kuuriya oo cadow isku ah muddo ka badan Nus-Qarni.

Mr Kim iyo Agaasimaha CIA, ayaa waxaa ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Arrimaha barnaamijka hormarinta hubka Nuclear-ka Waqooyiga Kuuriya iyo arrimo kale.

Shirkan ayaa waxaa uu hordhac u yahay shirka la qorshaynayo inuu dhexmaro madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Waqooyiga dalka Kuuriya Kim Jong-un.

Trump ayaa dhowaan sheegay in maamulkiisa wada hadal heerkoodu sareeyo uu Kula jiro dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Sidoo kale dhammaadka bishan waxaa la filayaa inay kulmaan madaxwaynaha dalka Koonfurta Kuuriya  iyo dhiggiisa Waqooyiga.

Kulankan agaasimaha CIA uu la yeeshay hogaamiyaha W/Kuuriya ayaa ah kii ugu horeeyay ee Washington iyo Pyongyang, dhexmara tan iyo sanadkii 2000 xilligaasi oo xoghayihii Arrimaha Dibadda Maraykanka ee waqtigaasi Madeleine Albright, uu la kulmay aabaha Kim-ka hadda talada haya kaasi oo la oron jiray Kim Jong-il.