Dowladda Japan ayaa daad gureysay tobanaan kun oo ciidan ah iyo shaqaalaha gurmadka kadib markii mid ka mid ah duufaanadii ugu adkeyd sanadihii lasoo dhaafey ay ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.
Duufaanta Typhoon Hagibis ayaa ku dhufatay koonfurta magaalada Tokyo Sabtidii, iyada oo u gudubtay dhinaca waqooyiga taasi oo sababtay daad aad u daran.
Saddex iyo toban qof ayaa lagu la’yahay duufaanta, sida ay sheegtay Idaacadda NHK.
Bartamaha Jaziirada Nagano prefecture, biyuhu waxay hareereeyeen tareenada aan raastu Karin ee caanka ah ee Japan halka helikobtarro ay guryaha dushooda ay dadka ka daadguraynayeen.
Ilaa 27,000 oo ciidamada milatariga ah iyo shaqaale kale oo gurmad ah ayaa la geeyay goobaha ay ka socdaan howlaha gurmadka, sida ay sheegtay dowladdu.
Duufaanta ayaa horseeday in la baajiyo qaar ka mid ah kulamadii Koobka Adduunka ee ciyaaraha koleyga ee Rugby laakiin kulanka muhiimka ah ee u dhaxeeya Japan iyo Scotland ayaa dhici doona Axadda (Maanta).
Tarkanka ciyaaraha spoortiga gawaarida Japan ee loo yaqaan ‘Formula One Grand Prix’ ayaa sidoo kale ay carqaladeeyay duufaanta laakiin tartankii ayaa socday oo waxaa ku guuleystay Valtteri Bottas.