Ugu yaraan 17 qof ayaa dhimatay kadib markii diyaarad yar oo militari ay ku burburtay degmo u dhow magaalada Rawalpindi ee Pakistan.
Shan ka mid ah shaqaalaha diyaarada iyo 12 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, warbaahinta maxalliga ah ayaa xiganeysa qoraalka militari ka soo baxay. 12 qof ayaa ku dhaawacmay.
Diyaaradda ayaa ku jirtay duulimaad joogto ah oo xagga tababarka ah markii ay burburtay dabna ka dhashayna uu qabsaday dhowr guri oo ka agdhawaa.
Ma cadda waxa sababay shilka ama nooca diyaaradda ay ahayd.
Magaalada Rawalpindi, oo u dhaw caasimada Islamabad, waa goobta ay ku taallo xarunta ciidanka Pakistan.
Diyaaradda oo qeyb ka aheyd qeybta duulista ciidamada Pakistan ayaa soo degtay saacadihii hore ee Talaadada.
Sarkaal ka tirsan ciidamada goobta joogay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in “ay ku dhacday dhinaca dhismaha uu ku dumay gabi ahaanba dumay”.
Dadweyne fara badan oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa qeylo dhaan, isugu soo baxay goobta ay diyaarada ku burburtay, sida ay wakaaladda wararka ee AFP werisay.
Sawirada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya dhismayaal madow oo uuro iyo qiikh uu qariyay.
Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in qiiqa uu wali ka sii kacayo burburka, isaga oo intaa ku daray in qaybo ka mid ah diyaaradda ay ka muuqdeen saqaf karo.
Sannadkii 2010, diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan ‘Airblue’ ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada caasimadda ee Islamabad, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 152 qof oo diyaaradda saarnaa – waana musiibadii ugu dhimashada badneyd taariikhda Pakistan.