17 Cisho ka dib Madaxwaynaha Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

566

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Faramjo ayaa Gelinkii dambe ee Maanta waxa uu soo gaba gabeeyay socdaal qaatay mudo 17 Cisho ah oo uu ku tagay deegaano ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdalkiisii ugu horeeyay waxa uu ka bilaabay  Magaalada Garoowe isagoo si wayn halkaasi loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha  ayaa booqday  magaalooyin  kale oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug,waxa uuna Dhuusamareeb uga qeyb galay munaasabad ay ku midoobeen Ahlusunna iyo Galmudug.

Sidoo kale madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa Maanta gaaray  Magaalada Cadaado,isaga oo  halkaasi kaga dhawaaqay in Magaaladaas ay tahay  Xartunta Baarlaamnka Galmudug .

Isla Maanta Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu safarkiisii ku soo gaba gabeeyay Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug,isaga oo dhagax dhigay dekada Magaaladaas taas oo la doonayo in dib loo furo.

 

SHARE