150 muhaajiriin ah oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen xeebaha dalka Libya

602

Muhaajiriin ka badbaaday dooni ku quustay badda Midhitereeniyaanka taasi oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen ugu yaaraan 150 qof ayaa la geeyay xarunta lagu hayo dadka muhaajiriinta oo ku taalla meel u dhaw magaalada Tripoli oo duqeyn cirka ah loo geystay bishii hore, sida ay sheegtay Hey’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Charlie Yaxley, oo ah Afhayeeenka Hey’adda UNHCR, ayaa sheegay ilaalada xeebaha Libyan ay sheegeen Hey’adda in 84 ruux loo qaaday xarunta Tajoura we ee u dhaw aagga dagaalka u dhaxeeya kooxaha iska soo horjeeda ee Libya uu ka socdo.

Duqeyn cirka ah ayaa ku dhuftay xarunta lagu hayo dadka qaxootiga 3dii July, taasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof taasi oo sidoo kale dhalisay walaac ku saabsan sida loo la dhaqmo muhaajiriinta ku sugan dalka Libya.

Weerarka ayaa si wayn loogu eedeeyay ciidama cirka ee daacada u ah Hoggaamiyaha Militariga Libya ee ka soo horjeeda dowladda Khalifa Haftar, kuwaasi oo ciidamadiisa ay la dagaalamayaan maleeshiyada dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Libya.

Ciidamada ilaalada xeebaha Libya ayaa in ka badan 130 qofka ayaa laga soo badbaadiyay badda Khamiistii.

Hey’adda Hey’adda caalamiga ah ee muhaajiriinta ee IOM ayaa sheegtay in  37,555 muhaajiriin ah ay galeen Yurub iyaga oo badda ka galay halka 8,007 ay dhulka ku galeen sanadkaan 2019.

Hey’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (UNHCR) ayaa xaqiijisay in 164 ruux ay ku dhinteen inta u dhexeysa Yurub iyo Libya ilaa iyo bilowgii sanadkaan, tiradaasi oo ka yar tii sanadkii hore.