14 dowladood oo safiiradooda kala baxaya Venezuela

723

Dowladaha qaaradda America ayaa ka hor yimid natiijada ka soo baxday doorashadii ka dhacday dalka Venezuela, taasi oo Ku guulaystay madaxwaynaha dalkaasi  Nicolas Maduro.

Ururka ay Ku midaysan yihiin qaar ka mid ah dalalka Qaaradda America, ayaa doorashada ka dib war soo saareen waxaa ay Ku sheegeen in safiiradooda Ku sugan dalka Venezuela kala soo baxayaan.

Waxaa ay sababta Ku sheegeen in Nicolas Maduro, uu Ku guul daraystay in dalkaasi ay ka qabsoonto doorasho Xur iyo Xalaal ah.

14-ka dowladood ee safiiradooda kala soo baxaya Venezuela, ayaa kala ah Brazil, Argentina, Colombia, Canada, Chile, Costa Rica, Guatemala, Guyana, Honduras, Mexico, Panama, Paraguay, Peru and Saint Lucia.

Madaxwaynaha hootan talada haya Nicolas Maduro, ayaa Ku guulaystay doorashada ka dhacday Venezuela.

Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa ay sheegeen in Maduro, uu guulaystay 68 boqolkiiba codadka 20 Malyan oo qof oo doorashada ka qayb gashay.

Tirada Guud uu helay Maduro, ayaa ah 5.8M (Shan Milayan iyo Siddeed boqol oo kun) oo cod.

Waxaa ay taasi ka dhigan tahay in uu  4 million oo cod ka badan yahay musharaxa kaalinta koowaad Ku jira oo la yirahdo Henri Falcon.