130 Muhaajiriin Afrikaan ah oo laga cabsi qabo in ay ku hafteen xeebaha Jabuuti

451
130 Muhaajiriin Afrikaan ah oo laga cabsi qabo in ay ku hafteen xeebaha Jabuuti. Sawirka: AFP

In ka badan 130 muhaajiriin Afrikaan ah oo laga cabsi qabo in ay ku hafteen meel ka baxsan xeebaha Jabuuti In ka badan 130 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa lagu la`ayahay meel ka baxsan xeebaha dalka Jabuuti kaddib markii labo doon oo sida rakaab xad dhaaf ah ay ku qalibmeen badda ka baxsan Jabbuuti maalintii talaadada.

Afhayeen u hadlay hey’adda dhanka socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegay in labada doon ay ku wajahnaayeen dalka Yaman halkaas oo rakaabka ay doonayeen in ay uga gudbaan dalalka khaliijka oo inta badan muhaajiriinta Afrikaanka ah ay shaqo u raadsadaan.

Ciidanka Jabbuuti oo dhacdada ay ku wargaliyeen dad deegaanka ayaa helay labo qof oo badbaaday iyo shan dhimatay. Doomaha ayaa loo maleynayaa in ay ku qalibmeen gobolka Oboq ee dalka Jabuuti.

Shaqaalaha Hey’adda IOM ayaa sheegay in ninka badbaaday oo 18 jir ah uu ka mid ahaa rakaab gaarayay 130 oo saarnaa doonta koowaad, hase yeeshee uusan war u ahayn doonta kale.

SHARE