102 sano jir ka mid noqotay dadka cododkooda ka dhiibtay doorashada Kenya: Sawiro

1176

Lydia Gathoni oo ah Haweeney 102 jir ayaa ka mid noqotay dadkii safafka dhaadheer u galay ee codkooda ku riday sanaadiiqda cod bixinta ee doorashada guud ee saaka looga dareeray dalka Kenya.

Si la mid ah sanadkii 2013 ayay Gathoni uga qeyb gashay codeynta doorashada Kenya, waa taageero aad ugu dhimata Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta, iyadoo u rajeysay inuu guuleysto.

Haweeneydan ayaa noqotay dadkii u horeeyay ee codkooda ka dhiibtay boqolaal ruux oo xalay habeen barkii safaf dhaadheer u galay cod bixinta doorashada.

Waxaa ay ka codeysay iskuul hoose ku yaal meel ka baxsan magaalada Nairobi, halkaasoo sidoo kale halyeygeeda siyaasada uu ka codeeyay.

Lydia Gathoni ayaa dhalatay sanadkii 1915, xilligaas Kenya waxaa xukumayay Ciidamada British-ka ee loo yaqaanay Ciidamada Ilaalada Geesta Afrika

Sanadkii 1963, markii Kenya ay xornimada qaadatay waxay da’deeda aheyd dhex dhexaad xilligii Jomo Kenyatta uu noqonayay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Kenya.

Doorashada Madaxtinimada Kenya oo ay ku loolamayaan Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa ah qoys muddo xafiiltan uu kala dhaxeeyay siyaasada, 50 sano ka hor ayay aabayaashooda dhabarka is xijiyeen.

Lydia Gathoni Kiingati, 102, reacts after having her finger inked, after she cast her vote just after dawn at a polling station in Gatundu, north of Nairobi, in Kenya Tuesday, Aug. 8, 2017. Kenyans are going to the polls to vote in a general election after a tightly-fought presidential race between incumbent President Uhuru Kenyatta and main opposition leader Raila Odinga. (AP Photo/Ben Curtis)