Burbur diyaaradeed oo ka dhacay Jaziirada Cuba ee bartamaha Qaaradda Amerika ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay qasaaro lixaad leh.
100 qof ayaa la sheegay in ay Ku dhinteen burburka diyaaradeed kaasi oo noqday musiibadii ugu waynayd ee dhanka Duulista hawada ee ka dhacda dalkaasi Cuba Soddonkii sano ee aynu soo dhaafnay.
Diyaaradda ayaa burburtay wax yar un ka dib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha Jose Marti airport ee magaalada Havana ee caasimada dalkaasi Cuba.
Waxaa nambarka Diyaaradda uu ahaa Boeing 737, waxaana ay kusii jeeday magaalada dhanka Barri Ku taala ee Holguin, sida ay Ku warantay wakaaladda wararka dalka Cuba ee la yirahdo Prensa Latina.
Diyaaradda waxaa saarnaa 104 qof oo 9 ka mid ah ay ahaayeen shaqaalihii Diyaaradda, Prensa Latina, ayaa sidaa Ku warantay.
Warbaahinta Maxaliga ah ee dalka Cuba ayaa waxaa ay sheegayaan in 104-ta oo Diyaaradda saarnaa kaliya 3 qof nolol lagu helay kuwaasi oo loola cararay Cisbitaallada ayadoo xaaladdoodu ay liidato.
Madaxwaynaha cusub ee dalka Cuba Miguel Diaz-Canel, ayaa booqday goobta musiibada ay ka dhacday isagoo sheegay in xaaladdu ay tahay mid aan wanaagsanayn, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP news agency.
Diyaaradda waxaa la sameeyay sanadka markuu ahaa 1979-kii, waa muddo hadda laga joogo 39 sano.