Yusuf Garaad oo xil muhiim ah loo magacaabay

1237
Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. Sawir hore: Villa Somalia

Muqdisho: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar Axmed Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf Garaad in uu sii ambaqaado doorka Soomaaliya ay ka qaadanayso qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed, sida lagu xusay wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.” ayaa lagu yiri wareegta lagu magacaabay Danjire Yusuf Garaad.

Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isaga oo kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xilka loo magacaabay Yuusuf Garaad Cumar ayaa waxaa horey u hayay Wasiir dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda ee hadda, Ball Cusmaan.