X.Baarlamaanka Galmudug oo sheegay inay xilka ka qaadeen Carabey & Caseyr

454

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug  gaar ahaan kuwo u muuqda inay daacad u yihiin madaxwayne Xaaf, ayaa goor dhow sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey)

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne ku xigeenkii Xilka laga qaaday kadib markii ay u codeeyeen xil ka qaadistiisa ilaa 49 Xildhibaan, halka 2 ay ka aamuseen halna uu diiday in xilka laga qaado.

Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominaayay ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale, Xildhibaanadan ayaa sheegay inay xilka ka qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

In ka badan 52 Xildhibaan ayaa sheegay in ay kalsoonida kala laabtay Cali Gacal Casir.

Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominaayay ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug.

SHARE