Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo la kulantay dhiggeeda dalka Sudan

572
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Wasiirka Caafimaadka Sudan. Sawirka: SONNA

Wasiirka Caafimaadka  Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo booqasho ku joogta dalka Suudaan ayaa kula kulantay wasiirka Caafimaadka dalka Sudan iyo hawl wadeenno ka ka tirsan wasaaradda caafimaadka Sudan. Wasiiradda iyo wafdiga la socday ayaa booqday wasaaradda cafimaadka Sudan iyo xarumaha daawooyinka lagu sameeyo iyo Shirkado daawooyinka soo saara oo gaar loo leeyahay.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa sidoo kale booqasho kal duwan ku tagay Isbitaalada Royal Care iyo Al-mucalim oo ay ku jiraan qaar kamid ah bukaanadii ku soo waxyeeloobay Qaraxii 14-kii October ee sanadkii tagay ka dhacay isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo kulmo gaar ah la qaadatay wasiirka caafimaadka Sudan Baxrri Abul Qardah ayaa ka wadahadlay sidoo kale qaabkii wada shaqayn rasmi ah u dhexmari lahayd labada Wasaaradood, waxayna sidoo kale kulankaasi ugu wada hadleen sidii heshiisyo ay horrey u kala saxiixdeen labada wasaaradood loo dhaqan geli lahaa.

SHARE