Wasiir Beyle: Bangiga Dhexe ayaan ku shubnay lacagtii lagu qabtay garoonka Muqdisho (Dhagayso)

1016
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaallka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa waxa uu ka hadlay lacagtii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee NISA ayaa 8-dii bishan waxa ay Garoonka Diyaaradaha u qabteen lacag dhan 9.6 Milyan oo Saddex Boorso ku jirtay, taasi oo dalka keentay Diyaarad ay leedahay Imaaraadk Carabta.

Wasiir Bayle oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay lacagtaasi ilaa hadda in ay gacanta ku heyso Dowladda Federaalka, lana geeyay Bankiga dhexe ee Soomaaliya, halkaasi oo lagu hayo.

Lacagtaasi Diyaarad bay la socotay, lacagtaasina meel ay ku sooctay lama garaneyn, wadankana Xiisad ayaa ka taagneyd, marka lacagtaasi waala joojiyay, waxayna taalaa Bankiga Dhexe, wada hadalkeeda ayaa lagu jiraa, waa suuragal in la celiyo.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ay jireen lacago bil waliba uu Imaaraadka Carabta dalka keeni jiray, balse lacagahaasi Dowladda lagu soo wargelin jiray, wuxuuna tilmaamay in lacagtan aanan cidna lagu soo ogeysiin, taasina ay keentay in la qabto.

Imaaraadka Carabta oo arrintan ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in lacagtaasi ay mushaar ahaan u siin rabeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Puntland, Imaaraadka oo u muuqday inuu ka jawaabayay falkan ayaa joojiyay Barnaamijkii tababarka iyo taageerada ku aadanaa ee uu siin jiray Ciidanka Soomaaliya, wuxuuna xiray xerooyinkii iyo Isbitaaladii uu ku lahaa Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa 11-kii bishan wuxuu sheegay Ciidanka uu tababaray Imaaraadka in ay la wareegtay Dowladda dhexe, hada kadibna Mushaarkooda ay bixin doonto Dowladda.