Taliska ciidanka Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegay ciidamadii uu Imaaraadku tababarayay

1114

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dugsigii tababarka Jen Gordan oo ay horey u maamulayeen saraakiishii Imaaraadka ee tababarka siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Abaanduulaha Guud ee Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood ayaa maanta booqday Jeneraal Gordan ee ay dagan yihiin ciidanka ay tababartay dowlada Imaraadka Carabta, Taliyaha ayaa sheegay in dowlada ay maanta si rasmi ah ula wareegtay ciidankaas iyo qalabkiisiba.

Gen. Caanood ayaa sidoo kale sheegay in xuquuqdii ciidankan heli jirey ay bixineyso DOwladda Federaalku maanta laga bilaabano si toos ah ay u hoos imaanayaan Taliska ciidanka ee SNA.

Generaal Caanood ayaa uga mahad celiyay dowlada Imaaraadka sida wanaagsan ay ugu wareejiyeen ciidanka ay tababareen.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga SoomaaliyeedGen. Caanood ayaa sheegay in magacii hore xerada iyo ciidankaba laga bedalay loona bixiyey Daljir.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa xumaan xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaaraadka, taasoo keentay in Imaaraadku ka baxaan Soomaaliya kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay inay imaaraadku ku xadgudbeen madaxbanaanidda iyo qaranamidda Soomaaliya.