Shirka Madaxda dowlad Goboleedyada oo Dhuusamareeb ka furmay

563

Dhuusareeb – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug si rasmi ah uga furmay maanta shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkaan oo ayaa inta badan diirada lagu saaray arrimaha Siyaasada ee dalka ka taagan oo ay ugu weyn tahay arrimaha Doorashooyinka, amniga iyo dhamaystirka Dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaantood isku aragti ka ahaa arrimaha Doorashooyinka Qaranka taasi oo ay sheegeen in ay waqtigooda ay ku dhacaan iyadoo laga wadatashanayo.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanahay in doorasho la isla oggolyahay oo laga wadatashaday ay muhiim tahay in ay dalka ka dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Waxaa shirka ka hadlay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ” Axmed Madoobe”, Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed” Laftagareen” iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka socda ururada bulshada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeybgalayso shirkaan balse waxaa jira warar hadal ahayn ah oo ah in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu shirkaan uu tagayo berri inkasta oo aan la xaqiijin.

Shirka wadatashiga oo maanta furmay ayaa la filayaa inuu sii socdo ilaa berri.