Daawo: Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo Muqdisho soo gaaray

1898

Muqdisho (UM) – Waxaa goor dhaweyd soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay wehlinayaan Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, qaarka ka mid ah xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee Aden Adde international Airport.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed waxa garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo la xiray dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee soo gala Madaxtooyada iyo kuwa halboowlaha u ah isu socodka dadweynaha.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada halkaasi oo la filayo inuu kulan kula qaato Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda.

Waa booqashadii ugu horeeysay oo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya ku yimaado Soomaaliya. Abiy Axmed ayaa noqoday R/Wasaaraha Itoobiya bishii Abril, 2018-ka, isagoo bedelay R/wasarihii hore ee iscasilay Hailemariam Desalegn.