R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo gaaray Baardheere

930

Wafdi uu hoggaaminayo R/wasaare kuxigeenka xukuumadda  Federaalka ah Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo   ayaa maanta oo Axad ah agaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo .

Wafdiga socdaalkooda ayaa la sheegay in uu ku saabsan yahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda dadka Ku nool degmada Baardheere sida  ay warbaahinta u  xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan  maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sababta ay u tageen Magaalada Baadheere ayaa waxa ay tahay sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay uu sameeyay Fatahaadda Wabiga Jubba.

Waxaa lagu waddaa sidoo kale Wafdiga in ay taggaan Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolkaasi.