Milatariga Myanmar ayaa la wareegay awooda kadib markii ay xireen hogaamiyaha rayidka Aung San Suu Kyi iyo xubno kale oo sarsare oo katirsan xisbigeeda talada haya.
Dhammaan awoodda waxaa lagu wareejiyay taliyaha ugu sarreeya ciidanka waxaana lagu dhawaaqay xaalad hal sano oo deg deg ah, war laga sii daayay TV-ga militariga.
Inqilaabku wuxuu daba socdaa guul weyn oo ay gaareen xisbiga Ms Suu Kyi doorasho ay ciidanku sheegeen in musuqmaasuq hareeyay.
Waxay ku boorrisay taageerayaasheeda “inaysan aqbalin tan” ayna “ka mudaaharaadaan afgambiga”.
Warqad ay qortay inta aan xabsi guri la gelinin, ayay ku sheegtay in ficilada militariga ay dalka dib ugu celiyeen kaligi talisnimo.
Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaan Burma, ayaa waxaa xukumayay ciidamada militariga ilaa sanadkii 2011, markii dib u habeyn dimoqraadi ah oo ay hogaamineysay Aung San Suu Kyi ay joojisay xukunkii militariga.
Waxay ku dhowaad 15 sano ku qaatay xarig inta u dhaxeysay 1989 iyo 2010. Waxaa si caalami ah loogu amaanay inay tahay iftiinka dimoqraadiyada waxayna heshay bilada Nobel Peace Prize sanadkii 1991.
Aung San Suu Kyi ayaa horrey Xukuumaddeeda looguu eedeeyay tacadayada ka dhanka ah Muslimiinta Rohiinga iyo in ay ku guuldareystay in ay wax ka qabato.
Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaan Burma, ayaa waxaa xukumayay ciidamada qalabka sida ilaa 2011, markii dib u habeyn dimoqraadi ah oo ay hogaamineysay Aung San Suu Kyi ay joojisay xukunkii militariga. Waxay kudhowaad 15 sano ku xirneyd inta udhaxeysa 1989 iyo 2010. Waxaa si caalami ah loogu amaanay inay tahay iftiinka dimoqraadiyada waxayna heshay Nobel Peace Prize 1991.