Maxamed Cismaan Jawaari, oo muddooyinkan culays badan ka haystay inuu sii joogo xafiiska ugu sareeya ee golaha Shacabka ee Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iscasilay maanta oo Isniin ah.
Haddaba hoos ka akhriso taariikh nolaleedka Jawaari oo kooban
Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, wuxuu registration ka qaaday degmada Buurhakaba, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga shareecada Islaamka iyo law-ga ‘comprehensive Law’ waa nin ka soo shaqeeyay dhowr sharci iyo dastuurkan ugu dambeeyay.
1962: Jawaari waxaa uu shaqo ka bilaabey Macalinnimo, isagoo muddo ku dhexjiray arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.
Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dowladihii 1990-kii ka horeeyay ka noqdey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan, waxaa kaloo wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ka noqdey wasiir.
1990: Wasaradda iyo arrimaha bulshada ayuu sidoo kale, wasiir ka noqdey, waxaa uu muddo ku noolaa Norwey ilaa markii dambe uu dalka ku soo noqdo lataliyena u noqdo qaramada midoobey.
2007-2016: Xafiiska qaramada midoobey arrimaha Soomaaliya lataliye xagga dastuurka, guddoomiyaha guddiga khubarada dastuurka qabyo-qoraalka ah.
Taariikhdu marka ay aheyd 28-08-2012-kii waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya jagadaas uu hayey ilaa 2016-kii.
Mar kale, Baarlamaanka 10aad ayaa loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka jagadaasi uu hayey ilaa maanta is-casilo.