Mali: 4 askari oo ka tirsan ciidanka QM oo la dilay

1045

Ciidamo ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay ee ka howl gala dalka Mali, ayaa lagu soo waramayaa in la dilay ka dib markii sida la sheegay Miino nooca dhulka lagu aaso ah ay la  kacday gaari ay saarnaayeen.

Howl galka Qaramada Midoobay ee dalka Mali oo loo yaqaano MUNISMA, ayaa xaqiijisay dhacdada lagu dilay askarta Qaramada Midoobay.

Sarkaal u hadlay howlgalka QM ee Mali, ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in Afar ka mid ah ciidamadooda at dhinteen halka Afar kalena ay dhaawacmeen ka dib markii gaari ay saarnaayeen ay miino la kacday.

Weerarkan ayaa waxaa uu yimid maalmo yar un ka dib markii sidoo kale Shan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Mali sidaan oo kale loogu dilay qarax miino ahaa oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen.

SHARE