Madaxwaynaha oo tababar usoo xiray ciidamo cusub (Sawiro)

976

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta tababar u soo xiray Ciidamo cusub kuwaasoo ka mid noqon doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan ayaa Muddo bilooyin ah waxaa uu tababar uga socday Saldhiga dowladda Turkiga ee ku yaalla Muqdisho.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Saldhigga, waxaana ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Turkiga ee Muqdisho,Xildhibaano iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadaan Maanta tababar loo soo xiray ayaa ah dabley, kuwaasoo uu Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in ay ka qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.