Koonfur Afrika: Zuma oo diiday inuu is-casilo

799

Madaxweynaha bartanka kaga jira fadeexad musuqmaasuq ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu xilka uga dego.

Hadalka madaxweyne Zuma ayaa yimid kadib markii golaha sare ee xisbiga tallada haya ee ANC ay shegeen inay taageeri doonaan mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha maalinta khamiista.

75 jirkan ayaa wajahaya cadaadis ah ah inuu iscasilo, waxaana mas’uulkan loo heysta eedeymo musuqmaasuq.

Zuma waxaa kale oo uu sheegay in saraakiisha sarsare ee xisbiga ANC ay ku guuldareysteen inay fahfaahiyaan sababta xilka looga qaadayo.

” Arrintan la doonayo in xilka layga qaado waxay aniga igu tahay caddaalad darro, mana la ii sheegin sababta” waxaa sidaasi warbaahinta qaranka ee dalka Koonfur Afrika u sheegay madaxweyne Zuma.

Mr Zuma waxaa kale oo uu sheegay inuu soo jeediyay inuu xafiiska baneeyo bisha June ee sannadkan, isagoo na muujiyay sida uu uga xunyahay qaabka loo wajahayo xil ka qaadistiisa.

Zuma ayaa intaa ku daray in fahfaahin dheeraad ah uu arrintan ka bixin doono gelinka dambe ee maanta.

Madaxa xisbiga ANC, Jackson Mthembu ayaa ku dhawaaqay in maalinta khamiista cod loo qaadi doono xil ka qaadista Jacob Zuma, iyadoo na isla xilkaasi loo dhaarin doono Cyril Ramaphosa oo ah madaxweynaha xisbiga ANC.

Golaha sare ee xisbiga ANC ayaa ku dhawaaqay inay go’aansadeen in xafiiska uu baneeyo Zuma, iyagoo na Zuma u qabtay in ugu dambeyn uu isku casilo ilaa iyo maalinta arbacada.

.Lahaanshaha sawirka EPA Hawks

 

Ciidammada sida gaarka u tabobaran ee la dagaalanka dambiyada ee Hawks loo yaqaano ee dalka Koonfur Afrika ayaa aroornimadii maanta weerar lama filaan ah ku qaaday guri uu Johannesburg ku leeyahay nin ganacsade ah oo saaxiib la ah madaxweyne Jacob Zuma.

Waxaa ay ciidanka baarayaan eedeymo la xiriira in Mr Gupta uu dowladda madaxa ka qabsaday, isaga oo aanan ka mid ahayn, islamarkaasna xitaa mararka qaarkood magacaabayay xubnaha golaha wasiirada qaar si uu uga helo abaalmarin.

Illaa 3 qof ayaa illaa iyo hadda lasoo xiray , oo uu ka mid yahay mid ka mid ah ragga la dhashay Atul Gupta.

XIGASHO: BBC