Kiisaska Corona Fayras ee Afrika oo ku dhow 100,000

641

Tirada dadka qaba cudurka coronavirus ee Afrika ayaa gaartay 95,201, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika ayaa lagu soo.

In ka badan 5 milyan oo dad ah oo ku kala nool daafaha dunida ayaa hadda la xaqiijiyay in ay qabaan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka. In ka badan 328,000 kun oo qof ayaa ku dhintay adduunka oo dhan halka 1.9 milyan oo qof ay soo kabsadeen.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in caalamka oo dhan 106,000 xaaladood, oo ah tii ugu sarreysey maalin keliya , taas oo sare u qaadeysa welwelka laga qabo faafitaanka COVID-19 ee waddamada saboolka ah.

In ka badan 2,500 ayaa u dhintay cudurka coronavirus guud ahaa Afrika oo dhan. Sida lagu sheegay warbixin dhowaan ka soo baxday Qaramada Midoobay, fayrasku wuxuu ka jiraa dhammaan waddamada Afrika iyadoo inta badan la diiwaan geliyo wax ka yar 1,000 kun kiis.