Madaxwaynihii hore ee dalka Afghanistan Xamiid Karzai ayaa dowladda Maraykanka ku eedeeyay inuu sabab u yahay in dalkiisa ay ka howl galaan kooxda Dacish.
Xamiid Karzai oo waraysi gaar ah siiyay barnaamijka UPFRONT ee ka baxa television-ka AlJazeera qaybtiisa luuqadda Ingiriiska ayaa Karzai waxaa uu sheegay in Maraykanka uu ka war haayay kacdoonka Daacish ay ka waday dalka Afghanistan.
Waxaa uu tilmaamay in Maraykanka uu ka doorbiday ka hor tagga kooxdaasi inuu hubkiisa casriga ah uu tijaabisto Afghanistan.
“Donald Trump, wuu ogaa in daacish ay ka howlgalayso Afghanistan, badalkii uu ka hor tagi lahaa waxaa uu dalkeena Ku tijaabiyay Qombuladda Caalamka ugu wayn ee aan Nuyukleerka ahayn” ayuu yiri Karzai.
Bilowgii sanadkan Donald Trump ayaa bixiyay amarka lagu weerarayo kooxda Daacish ee Afghanistan, xiligaas waxaa la qarxiyay qumbuladda loo yaqaano GBU-43 sidoo kalena loo yaqaano “inta Bomb Caalamka yaala oo idil Hooyadood ( the mother of all bombs).
Madaxwaynihii hore ee dalka Afghanistan Xamid Karzai ayaa sheegay in maalin ka dib weerarkaasi Daacish ay la wareegtay goobo fara badan islamarkaana Maraykanka uu ka war haayay.
“Maraykanka ayaa Afghanistan waxaa uu ka dhigtay wadan uu Ku tijaabisto hubka sunta ah, mana rabo in ay soo dhammaadaan mushkiladaha ka taagan wadanka” ayuu sii raaciyay.
Waxaa uu soo dhoweeyay dadaalada maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC ay Ku doonayso inay Ku baarto Gobood-falladii ka dhacay dalka Afghanistan.