Howlgalka la dagaalanka burcad badeedda xeebaha Soomaaliya oo howlgal kusoo qabtay 6 qof (Sawiro)

1006
Diyaarad nooca Qumaatiga u kaca ah oo loo isticmaalay raadinta burcad badeedda/ Isniin MOQDISHO, Soomaaliya 20/11/2017. (Xuquuqda Sawirka howlgalka la dagaalanka burcad badeedda ee midowga Yurub)

MOQDISHO (UM) Kooxo  looga shaki qabo inay ka tirsan yihiin kooxaha burcadda Badaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay weerareen markab ganacsi oo marayay xeebaha  Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay soo saareen howlgalka Caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in kooxda weerarkaasi  ka dambaysay laga badbaadiyay markabka islamarkaana gacanta ay ku dhigeen dad looga shaki qabo burcad badeednimo.

Dhacdadan ayaa dhacday 17 ilaa iyo 18-kii bishan November, waxaana la maqlay dhawaaq  hubka oo ay ka mid yihiin bamka gacanta laga gano, waxaana u gurmaday howlgalka la dagaalanka burcad badeedda biyaha Soomaaliya.

Gurmadka gaarka ah waxaa sameeyay markab laga leeyahay dalka Telyaaniga kaasi oo qayb ka ah howl galka midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya.

Waxaa ay howlgalku uu sheegay inay gacanta ku dhigeen 6 ka mid ah burcad badeedda looga shakisan yahay inay weerarka ka dambeeyeen ayadoo sidoo kale la qabtay doontii ay isticmaalayeen.

Markabka la weeraray ayaa ah markab wayn oo qaada 52,000 tan.

Raadinta burcad badeedda ayaa waxaa sameeyay ciidamada hadda Telyaaniga oo isticmaalayay diyaarad nooceedu yahay Fasan’s SH-90 taasi oo ah mid ka mid ah diyaaradaha Qumaatiga u kaca.

Goor sii horaysay dhacdada ka dib waxaa burcad badeedda weerarkaasi ka dambaysay xeebaha iyo biyaha fog ee Soomaaliya ka fuliyay ciidamada badda dalka Spain ee qaybta ah howl galka midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo isticmaalayay markab iyo diyaarado.

Howlgalka la dagaalanka burcad badeedda biyaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegay in Lixda la tuhunsane lagu wareejiyay midowga Yurub si Sharciga loo hor geeyo.


Warkan waxaa warbaahinta Ummaddamedia, Email-ahaan kusoo gaarsiiyay Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya kula dagaalama burcadda biyaha Soomaaliya

https://bit.ly/2zQFyeS


Hoos ka daawo sawirada howl galka