Dowladda Soomaaliya oo ka soo horjeedsatay heshiiska Shirkadda DP World ee dekadda Berbera

1252

Muqdisho (UM) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn sharci ahaanshaha heshiis magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ay kula saxiixdeen Shirkadda DP World ee Dowladda Imaaraadka iyo Soomaaliland kaasi oo ku saabsan Maamulka dekadda Bebera iyo saami qeybsigeeda.

War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiiskaasi lala saxiixdo Shirkadda DP World.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in habraaca loo maray heshiiskaasi uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka ku meel Gaarka ah iyo shuruucda kale ee u yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in heshiiskaas uu yahay mid waxba kama jiraan ah  iyadoo sidoo kalena ka digtay heshiisyada noocaan oo kala ah aan loo soo maarin shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah sida lagu yiri  war- saxaafadeedka.

 

Heshiiska Shirkadda DP World Soomaaliland la gashay waxaa sidoo kale qeyb ka ah dowladda Itoobiya ku yeelaysana saami dhan 19% dekadda Berbera, halka Shirkadda DP World oo maamulaysa dekadda Bebera ay yeelanayso 51% , Soomaaliland-na 30% boqolkiiba.

Sida loo qeybsaday saamiga Dekadda Berbera. Sawirka: Twitter.

Heshiiskaan ay kala saxiixdeen Soomaaliland iyo Shirkadda DP World ayaa yimid iyadoo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ku sugan yahay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Dekkadaha iyo Gaadiidka dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Dekkadaha iyo Gaadiidka Dowladda Soomaaliya.