(UM) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii deysay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay habeenimadii Axaddii Ciidamada dowladu gurigiisa ugu dhaceen halkaasina ay ku soo xireen.
Kaddib wadahadalo iyo isfaham waqti badan qaatay oo la sheegay in ay dowladda la yeesheen duubka dhaqanka, siyaasiyiin iyo xildhibaano ayay suuragashay inuu xoriyaddiisa dib u helo. Siidaynta siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa ku leg lahaa oo qeyb ka ahaa siidayntiisa madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Duqa magaalada Muqdisho, wasiirro ka tirsan xukuumadda, odayasha dhanka iyo duubab.
Cabdiraxmaan cabdishakuur saxaafadda lama uusan hadlin , waxana la arkayay isagoo oo dhoola cadeynaya oo ku dhex jira odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan dowladda gacanta midigna ay faashad uga duubnayd.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo u xirnaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan wax faahfaahin ah ka bixin sii dayntiisa. Weerarkii lagu qaaday gurigasa ee lagu soo xiray ayaa lagu dilay dhawr ka mid ah ilaadiisa.