Dowladda oo soo bandhigtay qorshaha la wareegidda ammaanka dalka

533

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah waxaa ay soo bandhigtay qorsha dowladda ee Ku aadan qaabka ammaanka dalka ay ugala wareegayso ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulan uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka kala socda Beesha Caalamka iyo xubno ka socday dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay qorshahan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh,  ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid ay  soo diyaarisay dowladda Soomaaliya, islamarkaana  la isla ogolaaday.

Beesha Caalamka ayuu wasiirku wuxuu sheegay inay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.

“Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo la soo diyaariyo qorshe anaga aan leenahay” ayuu wasiirka Difaaca Soomaaliya sheegay.

“Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogolaaday” ayuu intaasi Ku daray.

Qorshahan ayaan la ogayn sida uu u noqon doono mid guulaysta maadaama khubarada arrimaha ammaanka ay ka dayriyeen tayada ciidamada dowladda Soomaaliya ayagoo ka digay bixitaanka ciidamada AMISOM.

Qorshahan ayaan sidoo kale faahfaahin dheeraad ah looga bixin xilliga iyo qaabka loo hergalinayo la wareegidda ammaanka Soomaaliya.

SHARE