Aqalka Sare oo war ka soo saaray Khilaafka Baarlamaanka

766

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta war ka soo saaray khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka kaasi oo ka dhashay mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Golaha Aqalka Sare waxaa khilaafka ka soo saaray qodobo dhowr ah.

Hoos ka akhriso qodobada ay soo saareen Aqalka Sare

1:-Gudiga waxaa uu ka codsanayaa labada dhican ee qilafka soo kala dhaxgalay ee Golaha Shacabka in ay joking a an dhamaan ololayaasha siyaasadeed iyo fariimaha ay warbaahinta ay isku waydaarsanayaan inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee qilaafka.

  1. Gudiga waxaa ay soo dhaweynayaa Aqbalaada Gudoomiye Jawaari uu Aqbalay 03/18/2018 sharciyada Mooshinka Khilaafka dhaliyay
  2. Gudiga waxaa uu ugu Baaqayaa Gudoonka Golaha Shacabka in la qabto Shirka Gudiga joogtada ah sida ugu dhaqsiyaha badan si loo Agaasimo Habraaca Mooshinka ka yaalo Gudoomiyaha Golaha Shacabka
  3. Gudiga Aqalka sare ee ka qeyb qaadanayo Xalinta Khilaafka Golaha Shacabka waxaa uu bala qaadayaa in uu diyaar u yahay in uu kor jooge ahaan uga qeyb qaato shirka gudiga guurtada
  4. Gudiga waxaa uu soo jeedinayaa in Mooshinka Maamulkiisa loo maro si Waafaqsan Qodobka 65aad Farqadiisa 4aad Dastuurka Soomaaliya iyo qodobka 9aad Farqadiisa 4aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.
SHARE