3 Wasiir oo ka tirsan xukuumadda oo Xildhibaanada hor-tagaya

543

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federal ka ah ee Soomaaliya ayaa taga golaha shacabka, ayagoo xildhibaanada baarlamaanka ay dhagaysan doonaan wasiirada wax-qabadkooda iyo arrimo kale.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka Dalka.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Xildhibaanada ka hor jeedin doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.

SHARE