Muqdisho (UM) – 8da February waxay aheyd maalin taariikh u leh madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, maxaa yeelay waa maalintii la doortay. Laga soo bilaabo maalintaas guusha ilaa dhammaadka sannadka, waxay aheyd wado dheer oo Qarda jeex iyo buur ah taas oo la gaaray guulo sidoo kalena lana wajahay caqabado.
Wax ku bilawday “ar Farmaajo ii geeya” ayaa isku beddelay ciyaar ah daawashada iyo saadaalinta sida madaxweynaha iyo dawladdu ay uga falceliyaan xasaradaha amni iyo tan siyaasadeed. 2017-ka madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxa ay ku naaloodeen waqti aad u fiican, laakiin taasi sidaa ma sii ahaan doonta sanadka 2018-ka. 2018-ka ayaa la rabaa in ay noqoto sanadkii fulinta si ay u sii socoto kalsoonida dadka Soomaaliyeed oo sii yaraaneysa.
Febraayo waxay ku asteysantahay sannad guurada koowaad ee dawladda madaxweyne Farmaajo, Shaki la’aana waxaa jira guulo la gaaray. Ha yeeshe guulihii la gaaray oo dhan waxaa qariyana weerarkii argagixiso ee Zoobe oo dad gaaraya 500 boqol ay ku naf waayeen. Arrintii Qalbi-dhagax, dhacdadii weerarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo tan ugu danbeysay oo aheyd weerarkii ay ku qaadeen ciidanka Iimaaraatku tababaray guriga senator saameeyn badan.
Mararka qaar madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha waxay u muuqdaan labo markab oo is dhaafaysa xilli habeen ah, midka danbe ayaa raadinaya in la arko iyo caannimo, halka kan horena uuba gabi ahaanba ka maqan yahay saaxadda oo dhan.
2018-ka dawladdu waa in ay aad iskugu xiranaataa oo madaxweyne ku hogaamiya aragti, halka Ra’iisal wasaaruhuna looga fadhiyo inuu noqdo madaxa dhaqangalinta iyo la socodka golaha wasiiradda. Waa in ay jirtaa hal aragti iyo hal hoggaamiye oo horay u wada ballanqaadka Nabad iyo Nolol.
2017-ka waxay aheyd sanadihii sharci dajinta.Madaxweynaha iyo R’aiisal wasaaruhuba waxa ay caddeyeen in ay leeyihiin hami ajende sharci dajin, laakiin hor istaagida waqtiga baarlamaanka iyo qasbida meel marinta sharciyada marnaba ma horseedeeyso isbeddalada ay rajeynayaan. Hamiga ku jira xeerarka sharci dajinta waa in ay noqdaan kii dadka waxbarayay, xiriirka sameynayay, isla markaana dhaqangalinayay. Sharciyo badan oo aan la meel marin Karin si kasta oo ay u fiican waa wax aan micno laheyn.
Siyaasado wax tar leh ayaa dhaama siyaasado tiro badan, dhaqan galintooduna waxay soo celinee kalsoonida dawladnimada iyo doorkeeda ah wakiil isbedal saameyn leh.
Tan xigta sharciyada , dawladdu waa in ay in yar ka hadashaa aragtideeda oo xooga saarta ku dhaqaaqida waxyaabaha mudnaanta leh. Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaraaha waa in ay ogaadaan in ay heeystaan sharciyada dadka Soomaaliyeed sidaa darted waa in ay ka shaqeeyaan danta dadka. Dhab ahaantii madaxda xubnaha ka ah dawlada federaalka waa in ay qaybka ku lahaadaan go’aamada waa weyn oo dhan, laakiinse haddi si kalsooni ah loogu sheego siyaasadaha danta dalku ku jirto dhammaan waxaa meesha ka baxaya diidmo iyo muran.
Aaway madaxweynihii? .Su’aashaan waa mid muhiim ah maxaa yeelay madaxweyne Farmaajo wali waxa loo hayaa xushmad, niyad wanaagsan ,wuxuuna wali heystaa taageero aysan heysan kuwii ka horreeyay. Madaxweyne Farmaajo marnaba lalama xiriirsho qabiil gooni ah, afkaar gooni ah iyo koox dibadda ah, walibana waxa uu leeyahay waxqabad guud oo adag iyo akhlaaq. Si gaar ah , oo waliba faa’iido leh, madaxweynaha waxaa loo arkaa waddani Soomaaliyeed. Waa in uu ka faai’deystaa middaan oo ku mideeyaa shacabka Soomaliyeed raadshada siyaasada qaranka ee ahmiyada u leh. Isagu in ka badan dadka kale waxa uu ku guuleysan karaa arrintaan isaga oo ay taageerayaan koox maamul yaqaan ah iyo waliba istaariijiyad warbaahineed oo ay ku jirto siinta warbixin bille ah oo dadka la siiyo kuna saabsan guusha maamulka.
Amniga, dhaqaalaha, caddaaladda waa ay in udub dhexaad u noqdaan sanadka 2018-ka maadaama iyaga oo la isku daray ay kor u qaadaan dawlad wanaaaga. Waxyaabahaan oo dhan waxay u baahanyihiin maalgalin dadeed iyo mid maaliyadeed. Sidaa darted waa in xooga la saaraa soo saarida dakhliga gudaha si ay u maalgaliso waxyaabaha mudnaanta leh si joogto ah, isla markaasna loogu shaqaaleyo kuwa ugu aqoonta badan oo dusha kala socda fulinteeda.
Doorashada kuwa siyaasada lagu magacaabay iyo kuwa qabiilada lagu raali-galinayo waa mid qaali ah, wax tar laheyn, waxayna nabaadguurineysaa oo dhimeysaa kalsoonida dawladda lagu qabo.
2017-ka ayaa ahaa sanad micno gooni ah u lahaa siyaasada dibadda dalka, iyada oo dalku oo dhinac iska taagay xasaradihii khaliijka isaga oo sii waday xiriirkii u la lahaa dhammaan dalalka ku lug lahaa xiisadaas. Taas ka sokow siyaasada arrimaha dibadda Soomaaliya waa mid ku xiran galbeedka. Booqasho uu ku tago wadamadda Shiinaha , Japan , Hindiya , iyo Pakistan ayaa abuuri lahaa fursado badan.Sidii Marooko dib ugu biirtay Midowga Afrika una muujisay taageero safaarada Soomaaliya ee Rabaat, madaxweynuhu waa in uu booqdaa boqor Maxamed kalana xaajoodaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Laga yaabee Madaxweyne Farmaajo in sida hoggaamiyaasha kale uu rabo mar labaad si uu u dhameeystiro aragtidiisa Soomaaliya.Waqtiga ugu muhiimsan ee la sameeyn karo caddeyn muuqata oo laga dhaadhiciyo dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waa 2018-ka. Waana in aan la khasaarin.