Xaaf: Dowladda Federaalka haka dayso faragelinta Galmudug

73

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa ka hadlay khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Maamulka sare ee Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa faahfaahin ka bixiyay khilaafka la sheegay inuu soo  kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Waxa sheegay waxyaabaha ay tabanayaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu diyaar u yahay in la xaliyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhankale , Dowladda Federaalka Soomaaliya uga dhigay in aysan soo faragelin arrimaha Galmudug.

” waxaanu ku wargelinaynaa oo u sheegaynaa dowladda Federaalka in aysan faregilan ku samaynin Galmudug”. Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar sii horresay sheegay in wadahalo uu sheegay in lagu dhexdhexaadinayay Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna ay fashilmeen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhankiisa sheegay in Galmudug hal  Maamul ay leedahay oo ay hal tahay, dowladduna ay faragelinta ka dayso arrimaha Galmudug.

Hoose ka daawo hadalada Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka arrimaha gudaha

SHARE