Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray Dhismaha Wasaaradda Lacagta (Sawiro)

165
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta oo Talaado ah  kormeeray Dhismaha Wasaaraddii Lagacta oo hadda ay dib u dhis ku sameysay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Dib u dhiska xaruntan waxaa Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Sweden oo ka mid ah dowladaha reer Yurub ee mashaariic kala duwan ka wada Soomaaliya.

Wasiir Bayleh ayaa warbixin ka dhageystay Engineerada ku howlan shaqada dhismaha, isagoona ka dalbaday sida ugu dhaqsiyaha badan inay ku soo gaba gabeeyaan howsha dhismaha si Wasaaradda ay u baahiso howlaha Bulshada loo qabanayo.

“Maanta waxaan booqdey dhismaha labaad ee Wasaarada Maaliyadda oo ku dhaw heer gababo ah taas oo dabooli doonta baahiyaha wasaarada madaama ay shaqada ay aad u badan tahay. Waxaan u mahadnaqayaa Dowalada Sweden @SwedeninSomalia & Somtech Engineering and construction” ayuu Ku sheegay Wasiir Beyle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

SHARE