Trump: Waan-waan kama galayno arrinta magaalada Qudus

56

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in xukuumadda Washington aysan wax waan waan ah ka gali doonin go’aankii uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

“Wax waan waan ah kama galayno go,aankii aan Ku aqoonsanay in magaalada Qudus ay tahay caasimadda Israel, maxaa yeelay miiska waanwaanta waan ka saarnay arinta Qudus ” madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayuu u sheegay wargayska Hayom, oo ah warbaahin uu leeyahay maalqabeen saaxiib la ah Trump.

Trump ayaa sidoo sheegay in Falastiiniinta ay caqabad Ku yihiin in la sii wado wada xaajoodkii nabadeed ee u dhaxeeyay Israel iyo Falastiiniinta.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here