Trump oo ka baxay shirkii loo balansanaa ee Kuuriyada Waqooyi

93

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaqaay in uusan ka qeybgali doonin shirka la qorsheeyay inuu ka dhaco dalka Singapore ee u dhaxeeya isaga iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un .

Waraaq loo diray Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un maanta oo Khamiis ah, ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in kulanka la qorsheeyay inuu dalka Singapore ka dhaco 12ka bisha June aysan suuragal ahayn inuu qabsoomo sabab la xiriira carada xoogan iyo cadaawada aan  la qarsan ee  Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ay muujisay.

” Kuuriyada Waqooyi iyo aduunka waxa ay dhumiyeen fursad muhiim ah oo nabad waarta iyo barwaaqo horseedi lahayd. Tani waa fursad dhuntay, xaqiiqdii waa arrin muragleh oo taarikhi ah. Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Kulaankaan  ayaa noqon lahaa kii ugu horreyay oo taarikhada Madaxweyne Mareykan ah oo xil haya la yeesho Hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.

SHARE