Shiinaha oo deeq lacageed ku wareejiyay dowladda Soomaaliya (Sawiro)

55

Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa 1.5 Million oo Dollar kala wareegtay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, taasi oo la sheegay in loogu gurman doono dadka ay saameeyeen Fatahaadaha wabiyada Soomaaliya mara ee Jubba iyo Shabelle.

Lacagtaan ayaa horay dowladda Shiinaha ay u ballan qaaday Soomaaliya kadib markii ay Fatahaado ay ku dhufteen Magaalooyin badan oo ka tirsan Soomaaliya sidda Beledweyne iyo Baardheere.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Shiinaha kaga mahadceliyay Lacagtaan ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed.

Lacagtaan ayaa Wasiirka waxaa ku wareejiyay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, kaasi oo shalay un Ku dhawaaqay in xukuumaddiisa Beijing ay Soomaaliya ugu deeqday lacagtan hal milyanka iyo barka ah.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha ugu tunka iyo dhaqaalaha wayn adduunka kuwaasi oo howlgalo diblumaasiyadeed ku leh magaalada Muqdisho.

SHARE