Shan ruux oo lagu eedeeyay inay samaynayeen Baasaboorka Soomaaliya Hargaysa lagu xiray

58

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay rag lagu qabtay ,iyagoo Baasaboorka Soomaaliga ku sameynaya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda  Somaliland.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay galeen goob lagu sameynaayay Baasaboorka Soomaaliga, waxaana ay soo qabtay Shan nin oo ka shaqeynaysay.

Maamulka Somaliland wali kama aysan hadlin talaabada ay ciidamada boolisku ku soo qabteen ragaan ku eedaysan inay baasaaboorka soomaaliya ku samaynayeen gudaha magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa waxaa Degaanada ay maamusho  ka mamnuucday  in lagu sameeyo Baasaboorka Soomaaliga maaddaama Somaliland ay sheegtay in ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale.

SHARE