Sacuudiga oo xabsiyada ka sii daynaysa kumanaan Itoobiyaan ah

107

Ra’iisul Wasaaraha  Itoobiya ayaa ku guuleystay sii deynta kumanaan ka mid ah Maxaabiis Itoobiyaan ah ee ku xirnaa dalka Sucuudiga Carabiya sidda ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Dowladda Sacuudiga ay aqbashay siideynta kumannaan maxaabiis Itoobiyaan ah oo ku xiran dalka Sucuudiga sidda uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in dalka ay si sharci daro ah ku joogeen.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay ka dib codsi uu ra’sul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu u jeediyay sacuudiga ka dib booqasho uu halkaasi ku tagay.

Saraakiisha dalka Sacuudiga ayaa qorshaynayay in nus malyuun itoobiyaan ah ay dalkooda ka musaafuriyaan.

Dadka Itoobiyaanka ah ayaa intooda badan Sacuudiga u tagay si ay uga shaqaystaan.

Balse sanooyiinkii ugu dambeeyay xukuumadda Sacuudiga ayaa adkaysay helidda warqadaha ogolaanshiyaha shaqada.

Sanadkii aanu soo dhaafnay 5000 oo qof ayaa Itoobiya dib ugu soo laabtay ka dib cafis loo fidiyay.

SHARE