R/Wasaare ka dhabee dib u habeynta shaqaalaha rayidka ah – UM

768

Muqdisho (UM) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali  Kheyre ayay u muuqataa in uu aad u daneeynayo bilaabida waxyaabo cusub. Waxa uu aad u sii jecelyahay in isaga uu noqdo cidda horseed ka noqoneysa dib u habeynta iyada oo wasiiradii ku shaqada lahaa ay isaga uun dhinac taaganyihiin. Ra’iisul wasaaraha ayaa u arka in sidaas la sameeyo oo la horkaco wax kasta ay tahay mid muujineysa sida ay uga go’antahay waxqabasho, laakiin muujin kaliya kuma filna waddan ku jira halgan soo kabasho oo ay ka burbureen dhammaan hay’adihii dowladda oo ay ku jiraan shaqaalaha rayidka.

Daah-furka tirakoobka shaqaalaha rayidka ee uu  daahfuray Ra’iisul wasaaraha isaga oo uu dhinac taaganyahay  wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, waa mid muhiim maxaa yeelay waxaa la ogaanaya tirada shaqaalaha rasmiga ah ee  diiwaangashan iyo waxyaabaha ay qabtaan. Tirakoobka iyo la socodka shaqaalaha ayaa bilawgiiba ahaa mid aad muhiim  iyada oo Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynuhuba ay ballan qaadeen in ay musqmaasuqa ka cirib tiri doonaan hay’adaha dowliga ah. Tirakoobkaan ayaa diirada saaraya shaqaalaha faraha badan ee aan shaqeeyn kuwaas oo  dhameynaya waxa yarka ee la helo iyaga oo aan ka mid aheyn shaqaalaha shaqeeya. Sidoo kale waxaa tiro koobka lagu ogaanayaa xaaladaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha rasmiga ah ee shaqadooda yimaada.

Tirakoobka iyo dib u habeeynta shaqaalaha rayidka waa mid muran abuuri karta meel kasta oo adduunka ah. Soomaaliyana waxaa jira dhibaatooyin dabadheeraaday oo  isbiirsaday kuwaas oo kale ah shaqaale aan jirin oo mushaar qaata, adeeg xumo baahsan,musuqmaasuq, firxadka aqoonyahanka oo meel kale shaqo ka raadsanaya iyo maamul iyo hoggaan xumo ka jirta hogaanka hay’adaha dowladda. Waana sababta lacagaha ugu badan ee deeqbixiyaasha ay ugu baxdo tayo dhisid.

Dadaalka Ra’iisul wasaaraha ee tirokoobka shaqaalaha rayidka ah waa mid bogaadin mudan, laakiin waa mid caqabadeeha ay iska cadyihiin oo aan cidna aan ka qarsaneeyn. Shaqaalaha rayidku waa kuwa xirfadoodu ka hooseeyso sidii la rabay maxaa yeelay waa kuwo lagu soo xulay qaab qabiil mana jirto hey’ad la socod oo kormeerta, waxaa intaas sii dheer waxaa jira shaqaale gaboow ah oo mushaarkooda ilaashanaya oo anan ogoleyn wax shaqaale da’ yar oo aqoon leh oo kusoo biira shaqada rayidka ah.

Ammaan iyo bogaadin waxaa mudan Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka maaliyadda oo markii ugu horreysay shaqaalaha rayidka ah mushaarkooda siiyay si joogta ah. Laakiin su’aasha muhiimika ah ayaa ah cidda qaadatay mushaarka, sababta ay ku qaateen iyo wax ay qabteen. Su’aashani waxay caddeyneysaa caqabadaha ay tahay  in hay’ada shaqaalaha rayidka ah ay ka gudbaan si ay u noqdaan kuwa ku habboon shaqada loo dirsaday.

Saansaanta isbadal ee uu horkacayo Ra’iisul wasaaruhu oo u muuqata walaaca kaliya ee u qabo waxay ku miro dhali kartaa marka Ra’iisul wasaaruhu isbadalka uu dhab ka noqdo. Sanadkii tagay waxa uu ballan qaaday in uu  u magacaabi doono wasaarad kasta Agaasimayaal aqoon leh oo lagu soo xulay kartidooda. Su’aasha wali taagan ayaa ah maxaa taas looga dhabeeyn waayay?. Ilaa iyo hadda waxaa jiro tiro aqoonyahan oo codsi gudbistay walina jawaab ka sugaya xaafiiskiisa iyo guddi uu magacaabay oo qiimeeyn ku sameeynaya cidda codisaga soo gudbisay. Waa in uusan Ra’iisul wasaaruhu niyadjabin si uusan u lumin kalsoonida dadweynaha ay ka qabaan isbadalda kale dowladda.

Waxaa jira kuwa badan oo saaxiibadda Soomaaliya oo la dhex ordaya garoomada Nairobi iyo Muqdisho dhaqaale loogu talo galay Soomaaliya,si joogto ahna ula kulma Ra’iisul wasaraaha iyo wasiirka maaliyadda. Miyeysan wanaagsanaan laheyn in lacagtaas Soomaaliya loogu talogalay lagu diyaarsho mashruuc lacag loogu qorayo shaqaalaha hawlgabka ah si ay fursad u siiyaan shaqaalaha da’ada yar.

Waxaa jira qurbo-joog badan oo dalka dib ugu soo noqoneysaa kuwaas oo sheeganaya aqoon dhinaca siyaasada iyo maamulka ah, taasna waxay u suuro galisay in loo dalacsiiyo ay xilal sare sare ee dhinaca  dowladda ah. Ra’iisul wasaraaha waxay aheyd in  uusan qiimeeyn baasaboorka (Passport) ay wataan ee ku sameeyo qiimeeyn la xiriirta aqoontooda iyo khibradooda. Tirakoob hadduu uu jirana waa in uu noqdaa mid dhameystiran oo aan cidna ka tagin.

Waxaan dhawr mar maqalnay dib u habeyn aad ku baaqday mudane, Ra’iisul wasaare. Aan aragno waxa run ka noqda.

SHARE