R/W Kheyre oo xalay kormeer ku tagay Saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir

129

Muqdisho (UM) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay koormeer  ku tagay qaar ka mid ah saldhigyada degmooyiinka Gobolka Banaadier iyo  baraha kontoraalada laga soo galo magaalada.

Kormeerka Ra’iisal Wasaare kheyre oo ay ku wehlinayeen Wasiirka amniga , taliyaha ciidanka Booliiska iyo saraakiil kale ayaa ujeedkiisu guurgalida xaaladaha amniga.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale warbino ku saabsan ammniga ka dhageystay taliyaha Ciidanka Booliiska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Bashiir Cabi Maxamed ayaa ka warbixiyay qaraxyo xalay laga maqlay qaarka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, taasi oo uu sheegay in ay ahayd baco baaruuda qaraxda laga soo buuxiyay oo la doonayay in shacabka lagu qalqal galiyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Abaaro halsaac iyo bar laga bilaabo waxaa la soo tuuray waxyaabo ku jira baco oo baaruud ah 5 Xamarweyne ayaa lagu soo ridey,2 Waaberi,2  degmada Wadajir,majiraan wax khasaare ah oo ka dhashey,waxaa ladoonayay oo kaliya in lagu qal qalgeliyo shacabka”. ayuu yiri Taliyaha Booliiska oo warbaahinta la hadlay kormeer kaddib.

 

Xalay salaaddii cishe kaddib ayaa laga maqlay dhawr meel oo magaalada Muqdisho jugta waxa u eg hobiyaal la soo tuuray taasi oo qalqal galisay shacabka iyo ganacsiga ka socday magaalada. Dowladda ayaa sheegtay in ay ahayd baco baaruud laga soo buuxiyya, lama shegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Toddoobaad ka hor ayay dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay shaacisay in la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo loogu talagay sugida amniga magaalada Muqdisho.

SHARE