Home Wararka Caalamka Maxamuud Cabbaas oo cisbitaal la dhigay

Maxamuud Cabbaas oo cisbitaal la dhigay

121

Madaxwaynaha maamulka Falastiiniinta Maxamuud Cabbaas Abuu Maasin ayaa lagu soo waramayaa in la dhigay cisbitaal Ku yaala magaalada Ramallah ee Falastiin.

Maxamuud Cabbaas Abuu Maasin ayaa 82-sano jir, lama faahfaahin xanuunka uu qabo oo cisbitaalka loo dhigay.

Waxaa wararku ay sheegayaan in Maxamuud Cabbaas Abuu Maasin cisbitaalka la dhigay markii Saddexaad oo xiriir ah muddo Isbuuc ah gudahood.

Wakaaladda wararka WAFA, oo Falastiin ka soo baxda ayaa sheegtay in jimcihii aynu soo dhaafnay Cabbaas la dhigay cisbitaalka isagoo dhegta laga qalay inkastoo sacado ka dib cisbitaalka laga sii daayay wax yar kadibna cisbitaalka dib loogu ciliyay.

SHARE