Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaada Tuka-raq

71

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha kaddib Masjidka Shudahada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta sheegay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo isku duubni iyo midnimo.

“Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

SHARE