Madaxwayne Erdogan oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha UK (Sawiro)

102
Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayipp Erdogan (Midig) Ra’iisul wasaaraha UK Teresa May (Bidix) oo ka shiray xiriirka labada dal iyo Dhaqaalaha (Xuquuqda sawirka Madaxtooyada dalka Turkiga)

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayipp Erdogan oo booqasho rasmi ah Ku jooga dalka Britain, ayaa magaalada London, kula kulmay ra’iisul wasaaraha UK haweenay la yirahdo Teresa May.

Kulanka labadan mas’uul ayaa ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaraha ee la yirhdo (10 downing Street) oo Ku yaala magaalada London.

Ra’iisul wasaaraha UK, iyo madaxwaynaha dalka Turkiga  ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka laba dal, arrimaha ganacsiga iyo kuwo kale.

Kulanka ka dib shir jaraa’iid oo si wada jir ah ay u qabteen ayaa waxaa at kaga hadleen Furitaanka safaarada Maraykanka ee Qudus iyo Xasuuqii ciidamada Israel ay shalay magaalada Qaza ugu gaysteen shacab aan hubaysnayn oo Ku banaanbaxayay xadka Qaza ay la leedahay Israel.

Madaxwaynaha dalka Turkiga ayaa ugu horayn sheegay in Turkiga waligiis Magaalada barakaysan ee Qudus uusan u aqoonsan doonin caasimada Israel.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Taariikhda waligeed aan Cafin doonin Israel oo xasuuqaysa sida ugu yiri dadka reer Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha UK, ayaa dhankeeda Ku baaqday in la sameeyo guddi madaxbanaan oo baaritaan Ku sameeya xasuuqii shalay Israel ay kula kacday Falastiiniinta reer Qaza.

SHARE