Madaxda Xisbullaah oo Xayiraad lagu soo rogay

118

Ururka Hubaysan ee dalka Lubnaan ee Xizbullah, ayaa lagu soo rogay cunoqabatayn.

Xubnaha lagu soo rogay Cunaqabataynta ayaa kala ah Hoggaamiyaha Ururkaasi, Sheekh Xsaan Nasrullaahi iyo Ku-xigeenkiisa Naciim Qaasim iyo 3 xubnood o oka tirsan Golaha Shuuradda ee Ururka Xisbullaahi Lubnaan.

Hadal ka soo baxay Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Tallaabadaasi qeyb ka tahay Go’aanki ay Maraykanka ku soo rogeen Dowladda Iiraan iyo Kooxaha Isbahaysiga la ah.

Dhinaca kale, Dowladaha Sacuudiga, Baxrayn, Kuweyt, Imaaraadka iyo Cummaan waxay iyagana ku dhawaaqeen inay Cunaqabatayn ku soo rogeen Madaxda Sare ee Ururka Xissbullaahi Lubnaan, Shaqsiyaad iyo Shirkado gacan-saar la leh Ururkaasi.

SHARE